Odayaasha Gobolka Galgaduud oo bilaabay in ay la dagaalamaan Jid-gooyooyinka ay dhigtaan Kooxaha Maleeshiyooyinka ah

Arbaco, March 05, 2008(HOL): Inta badan marka la eego Gobaladda Bartamaha Soomaaliya waa wax iska caddi ah in la arko Jid-gooyo shirci daro ah oo kooxaha Maleeshiyaddu dhigtaan kuwaa oo intoodda badan wax yeelo ka soo gaarto dadka safarka ah oo marka laga soo tago dhaca loo geysto xitaa mar marka qaar lagu dilo.
 
Gobaladda Gal-gaduud iyo Hiiraan oo ah kuwo ugu badan ee lagu arko Jid-gooyadda sharci daradda ah ayaa hadda waxaa ay u muuqdaan kuwo siweyn dadka deegaanku u dareemay dhibaatadda kooxaha Maleeshiyadu ku hayaan kadib markii aritaa cabasho  badan laga keenay.
 
Odayaasha iyo Wax-garadka Gobalka Gal-gaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa hadda bilaabay dadaalo lagu carib tirayo Jid-gooyadda sharci daradda ah kadib markii ay ku guuleysteen in ka badan ilaa 10 jid-gooyaha in ay ka qaadaan watadda isku xirta Degmadda Caabud-waaq iyo Gobalka Mudug.
 
Inkastoo qaar ka mid ah Isbaarooyinka lagu qaaday wadda hadal dhax maray kooxaha Maleeshiyadda iyo Duqeydda deegaanka ayaa hadana waxaa jira in Odayaashu meelaha qaar u adeegsadeen awood ciidan  kadib markii laga dhaggo adeygay dalabkooda ah in la qaado Jid-gooyadda.
 
Talaabadda ay qaateen Wax-garadka iyo Odayaasha reer Gal-gaduud ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay Darewaladda Gadiidka isaga koosha Bartamaha Soomaaliya kuwaa oo dhibaato ku qabay kooxaha maleeshiyadda ah oo ku qasba bixinta qarash aan macquul aheyn.
 
Lakiin haddana dhibaatadu wali waa mid soo taagan marka la eego goobaha qaar,  tusaale ahaan laga soo bilaabo Degmadda Gure-ceel ee Gobalka Gal-gaduud ilaa laga soo gaaro Degmadda Matabaan ee Gobalka Hiiraan waxaa lagu arkayaa kooxo maleesho ah oo sidii ay doonaan ka yeela dadka ku safra watadda Gobaladda dhexe kuwaa oo ilaa hadda aysan jirin cid ku baxday sidii wax looga qaban lahaa.
 
Ciidamadda Dowladda Federaalka ee ku sugan Gobalka Hiiraan ayaa ah kuwo ku eg uun Baraha-koontarool ee fariisinka u ah mar marka qaarna waxaa suurta gal ah in kooxaha Maleeshiyadu ku wax yeeleeyaan dadka safarka goobo aan sidaa ugu fogeyn halka ay fariisinka ku leeyihiin  taa oo muujineysa sidda xiligan Dowladdu aysan diyaarka ugu aheyn wax ka qabashadda kuwa dhibaatadda ku haya dadka rayid ka ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia