Arbaco, March 05, 2008(HOL): Saaka saacaddu markey ehayd 10kii barqanimo ayaa la soo weeraray ganacsato Soomaliyeed oo tukaan ku leh tuulo lagu magacaabo Etwatwa oo ka tirsan gobolka Gauteng.
Tuugada soo weerartay gacacsatada ayaa ka koobnaa ilaa iyo shan ruux oo ku hubeysna bustoolado iyagoo kadibna bastoolad ku qabtay mid ka mid ah dhalinyaradii halkaas ku ganacsaneysay iyagoo markaas isku dayay in ay baartaan Dukaanka, intaas kadib ayaa waxaa qalqalay mid ka mid ah tuugadii wuxuuna xabad ku riday ganacsatadii mid ka mid ah oo uu madaxa ka soo gaaray dhaawac fudud kadibna waxay xabadii ku dhacday mid ka mid ah tuugadii dukaanka soo weerartay, kaasi oo meesha ku geeriyooday.
Daahir Nuur Xaashi oo ku magac dheer (Keynaan) oo uu dhaawaca soo gaaaray ayaan kula xiriiray qadka taleefoonka ayaa ii xaqiijiyay in uu soo gaaray dhaawac fudud iyo weliba dhimashada mid ka mid ah tuugadii dooneysay in ay dhacdo.
Intaas kadib waxaa soo gaaray halkaas Ciidamada Booliska Koofur Afrika, kuwaasi oo baaritan dheer kadib meydkii ka qaaday halkaas, iyadoo sidoo kalena uu goobta soo gaaray guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika (Somali Comminity Board - South africa) Ismaaciil Cabdalla( Soomane ) iyo xubno kale oo ka tirsan Jaaliyadda.
Ma ahan markii ugu horeysay ee la weeraro Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkan Koofurta Afrika, isla markaana loo geysto dhibaatooyin kala duwan sida in la dilo, la dhaawaco ama goobahooda ganacsi la gubo.
Saciid Cabdulle Xerow Hiiraan Online
[email protected]
Johanesburg,South Africa