7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay waftigii Midowga Yurub

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wafti ka kooban safiiro iyo saraakiil kale oo ka socda Midowga Yurub, waxaana kulanka lagaga wada hadlay nidaamka wada shaqayneed ee QM iyo Somaliland, abaaraha iyo horumarinta.

"Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqayneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, ee ay ugu horrayso mashaariicda qaramada midoobay ka fuliso gudaha Somaliland, xaaladda guud ee abaarta dalka ka jirta iyo qorshaha horumarinta qaranka ee saddexaad (NDPIII), kaas oo dhammaan mashaariicda horumarinta la waafajin doono", ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.

Xukuumada ayaa Midowga Yurub ka dal batay in la kordhiyo mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo gobolada bariga Somaliland, oo ay xukuumadu sheegtay in ay ku yar yihiin mashaariicdu.

Waftiga ayaa dhankooda, amaanay sidii ay xukuumada Somaliland wax uga qabatay dhibaatooyinkii ay gaysatay duufaantii Sagar, caabuqa Covid-19 iyo tallaalkii bilaashka ahaa ee ay gaadhsiisay bulshada.

Waxaa waftiga kulanka ku wehelinaysay wakiilka UK ee  Somaliland marwo Lizzie Walker.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]