7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Shacabka Somaliland oo ka qaylinaya sicir barar saameeyay

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Shacabka Somaliland ayaa la daalaa dhacaya qiimaha maciishada iyo shidaalka oo hawada isku shareeray, waxaana is badalay qiimayaasha lagu iibiyo badanka cuntooyinka lagama maar maanka ah.

Inkasta oo bulshada Somaliland, ay ka cabanaysay sicir barar baahsan tan iyo markii uu dilaacay caabuqa Covid-19 laba sanno kahor, hadana sannadkan bilowga ah ee 2022, ayuu qiimaha maciishadu markale is badalay, taasi oo uga dartay nolosha bulshada Somaliland ee danyarta u badan.

Cabdicasiis Cali Muxumed oo maamule ka ah huteel laga cunteeyo oo ku yaala magaalada Hargaysa, ayaa is bar bar dhig ku sameeyay kala duwanaan shaha qiimaha maciishada ee sannadka iyo sannadkii hore.

"Shirikaanka saliida ah sannadkii hore waxa nalagaga iibin jiray $31 imikana wuxuu marayaa $35, kiishka sonkorta markii hore wuxuu ahaa $25 imikana wuxuu marayaa $32, daasada caanaha ah (gasaca caanaha ah) sannadkii hore waxay ahayd $10 imikana waxay maraysa $12, gaasta cuntada lagu karsado waxay ahayd $15 imikana $17" ayuu yidhi Cabdicasiis.

Qiimaha shidaalka ayaa sidookale korodh xoogani soo waajahay, 10 ka litir ee baatrool ka ah oo horay u ahaa 50,000sh, ayaa gaadhay 82000sh, naaftaada ayaa iyaduna la mid ah, taasi oo sababtay in uu kordho nooliga baabuurta lagu raaco, basaska iskaga kala goosha xaafadaha magaalada Hargaysa, oo markii hore lagu raaci jiray 2000sh, ayaa laga dhigay 2500sh.

Qiimaha shidaalka ee kordhay wuxuu sidookale door ka ciyaaray korodh ku yimid biyaha booyaduhu u shubaan xaafaha aan helin biyaha qasabada, qiimaha foostada biyaha ah oo markii hore ahaa 11000sh ayaa gaadhay 15000sh, shidaalka ayaa sidookale la rumaysanyahay in uu door ku leeyahay korodhka qiimaha maciishada.

Muuqaal hooyo lagu magacaabo Siraad Cali Caafi, oo ay gaajo soo saartay oo si dareen leh u dalbanaysa in maciishada qaaliyowday wax laga qabto, ayaa 24 saacadood ee lasoo dhaafay baraha bulshada ku baahay, taasi oo sababtay in shacabku mudaharaad ka dhigaan baraha bulshada, iyagoo wasiirka ganacsiga ka codsanaya in uu is casilo.

"Waxan haysta laba inan oo maskaxda ka xanuunsanaya, waxaan u kariyo iyo waxan siiyo midnana ma haysto, maxaa loola hadli waayay nimankan baayac mushtar ka ah ee dhargay, oo loo odhan waayay waar wuxun naga jabiya" ayay Siraad Bulsho TV u sheegtay iyada oo ooyaysa.

Wasiir ku Xigeenka Ganacsiga Somaliland Muuse Salaf, oo MMTV, wax ka waydiisay sicir bararka, ayaa ku andacooday in xukuumadu qaaday talaabooyin lagu xakamaynayo sicirka raashika iyo shidaalka, isla markaana ay cashuurta ka dhimeen cuntooyinka, inkasta oo wali wax ku kordha mooyaane anay waxba ka dhicin.

Xisbiyada mucaaradka ayaa iyagu dhankooda xukuumada Somaliland ku eedaynaya in ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato sicir bararka xadhkaha goostay.

Sicir bararka maciishada iyo shidaalka, oo ay dheertahay abaarta ku dhufatay deegaanada Soomaalida iyo Somaliland, ayaa dhulka sii dhigtay nolosha danyarta.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online