7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay doorashada 16 kursi oo Bosaso lagu dooranayo
 

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa soo maanta saaray doorashada 16 kursi oo lagu dooran doono magaalada Boosaaso, inkastoo aan la shaacin jadwalka doorashada.

Ku dhawaaqista kuraasta doorashadoodan, ayaa timid, xilli uu hakad ku yimid doorashada lix kursi oo kamid ahaa kuraasta lagu dooran lahaa magaalada Garowe.

Puntland ayaa noqotay maamulkii saddexaad ee shaaciya kuraasta lagu qabanayo deegaanka doorashada labaad sida uu qabo heshiiska habraaca doorashada aqalka hoose.

Bosaso oo xaaladdeeda amni uu qalqal ku yimid kadib colaadda ka dhalatay xil ka qaadistii agaasimaha PSF, ayaa shaki laga muujinayay ku qabashada doorashada kuraasta barlamaanka.

Wasiirro iyo xildhibaan katirsan xukuumada Soomaaliya oo ay aad isku hayaan madaxweyne Deni. ayaa kuraastoodu taalaa Bosaso, waxaaana kamid ah xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online