7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weeraro iyo qaraxyo Xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho
 

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerar dagaal iyo qaraxyo isugu jiray oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka ka dhacay degmada Kaxda uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isagoona tilmaamay howlgal xigay weerarka in lagu soo qabtay dad ku eedeysan in ay qayb ka ahaayeen dagaalka ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

“Weerarka ka dhacay Degmada Kaxda waxaa waxyeelo kusoo gaartay Dad rayid ah iyo dhismaha Saldhiga Degmada, Ciidamadana ayaana sameeyay weerarka kadib howlgalo ka dhan ah kooxaha weerarka soo qaaday oo ay u suurtagashay iney gacanta kusoo dhigaan dad ku eedeysan iney weerarka qeyb ka ahayeen” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

Wuxuu intaasi ku daray afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar kale oo isla xalay ka dhacay Deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

“Daarusalaam weerarka ka dhacay waxa ay waxyeelo kasoo gaartay ilaa 16 ruux oo Shacab ah oo dhaawac soo gaaray, waxaana u xanuun badan oo halkaas ku geeriyooday allah u naxariiste labo Gabdhood oo yar, saddex Askari oo Booliis, Miliatari iyo kooxaha ka shaqeeya nabadgalyada isugu jira” ayuu yiri afhayeen Cabdifataax Aadan.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay in sababaha labadaasi degmo ay Al-shabaab usoo weerareen iney tahay in labada degmo ay ka socdeen howlo horumarineed sida wadooyinka iyo dhismayaasha, islamarkaana uu sheegay in Shabaab aysan jecleyn iney arkan meelo horumar ka socdo waa sida uu hadalka u dhigaye afhayeenka Booliiska.

Hadalka afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada weeraradii xalay ka dhacay Muqdisho ay shaaciyeen in ay qabsadeen gawaari ay leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka ayna burburiyeen Saldhiga Booliiska Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online