7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo qeexay sharciga maamuuska Madaxwaynaha

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Sidaan la soconay maalmo kahor qaar kamid ah Madaxwaynayaashii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa xukuumadda Mustafe cagjar ku eedeeyay inay meesha ka saartay maamuuskii iyo tixgalintii ay Madax-waynayaashii hore lahaayeen.

Haddaba Madaxwayne Mustafe cagjar oo taa ka jawaabaya ayaa qeexay maamuuska iyo tixgalinta ay yeelanayaan Madaxwaynayaashii hore.

Madaxwaynaha ayaa ugu horeyn xusay inuu jiro sharci Madaxwaynayaashii hore maamuus iyo tixgalin u oggolaanaya, kaas oo la ansixiyay 2010, isagoo isla sharcigaasi uu maamuuska u oggolaanayo, kaliya Madaxwaynayaashii ka dambeeyay isla sannadkaas 2010.

" Waxaa jiray sharci soo baxay 2010 oo maamuus u oggolaanaya Madaxwaynayaasha, wuxuu khuseeyaa sharcigani wixii ka dambeeyay 2010, maalintii la saxiixay ayuu dhaqan gal yahay, wuxuuna khuseeyaa Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley ) iyo aniga", ayuu yiri Madaxwayne Mustafe oo qeexayay sharciga maamuuska Madaxwaynaha.

Isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu yiri Mustafe cagjar " Sharcigan waxaa saxiixay Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna khuseeyaa Madaxwaynayaasha imaanaya 2010 wixii ka dambeeyay, Madaxwaynaha maamuuska mudanaya shuruuddo ayuu leeyahay, tan koowaad waa inuu 5 sano dhammaystaa, waa inuu dambi galin".

Waxa kale oo uu Madaxwaynuhu xusay in Madaxwaynayaashii hore wixii maamuus ah ee ay isla meel dhigeen uu sidiisii un ahaanayo, wixii ay waydiistaana uu siinayo, iyadoo ay xukuumaddu xaq u leedahay, inay iyadu go'aamiso go'aannada la isla meel dhigay, ee Madaxwaynayaashaa hore lagu maamuusayo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxwayne Mustafe cagjar iyo Madaxdii hore ee degaanka Soomaalida, ayaa muddooyinka dambe hawada ku shareerey, kaddib markii qaar madaxdaas hore kamid ah oo lagu magacaabo khadar macalin, uu si cad u sheegay inay dowladdu ka gaabisay ixtiraamkii ay iyagu lahaayeen, taas oo Madaxwaynuhu si waafi ah uga jawaabay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]