7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Soomaaliya oo golaha ammaanka u gudbisay codsi ku aadan joojinta howlgalka burcad badeeda
 

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle, ayaa shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka sheegay bayaan ku saabsanaa wajigii ugu dambeeyay ee qaraarka la dagaallanka burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608 (2021) ee xeebaha Soomaaliya.

Danjire Abuuukar Baalle ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay codsanayso in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021), kaasoo ku eg Maarso 3, 2022.

"Waxaa ii farxad ah inaa idinla wadaago, inaan dadaalo badan ku bixinay hay’addeena ilaalada badda. Iyadoo la aas aasay guutada badda, si ay uga hortagaan jarriimooyinka caalamiga ah ee ka dhaca baddeena," ayuu yiri danjire Abuukar Baalle.

Danjire Baalle ayaa ka codsaday golaha ammaanka qaramada Midoobay in lasoo afjaro saddexda march, howlgalka caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad baddeeda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in aysan mar dambe u baahayn in la cusboonaysiiyo ama wax laga beddelo howlgalkaas, Maadaama uu sheegay in si buuxda loogu guulaystay ujeedadii laga lahaa ku dhawaad 15 sano kadib.

Bishii December ee sannadkii hore, golaha ammaanka ayaa muddo saddex bilood ah ku kordhiyay howlgalka la dagaalanka burcad badeedda Soomaaliya, kaas oo ku eg bisha soo socota saddexdeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online