7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Doorashada 7 kursi uu ka mid yahay kursigii loo diiday guddoomiye Muudeey oo Maanta lagu doortay magaalada Baraawe


Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baraawe lagu qabtay doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baraawe oo tirsigiisu yahay HOP 045, waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Maxamuud Axmed Maxamed iyo Yuusuf Maxamed Cabdullaahi, waxaana ku guuleystay kursiga Maxamuud Axmed Maxamed oo helay 90 cod, halka Yuusuf Maxamed uu helay 8 cod, waxaana halaabay 3 cod.

Kursiga labaad oo tirsigiisu yahay HOP 145, oo ahaa kursi uu horay ugu fadhiyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey oo laga reebay inuu u tartamo kursiga, waxaa Maanta ku guuleystay Maxamed Cabdalla Axmed oo helay 76 cod, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod, waxaana halaabay 2 cod.

Kursiga sadaxaad ee sumadiisu yahau Hop 162, waxaa kusoo baxay Maxamed Cismaan Cumar oo helay 74 cod, halka Maxamed Daliib Xasan uu helay 17 cod, waxaana halaabay 4 cod, kursiga afaraad ee tirsigiisu yahay HOP 148, waxaa ku guuleystay Awliya Siciid Cabdullaahi oo heshay 88 cod, halka Sacdiya Maxamed Cabdiqaadir ay heshay 10 cod, waxaana xumaaday 2 cod.

Kursiga shanaad ee HOP 256, waxaa ku tartamay Suhuur Xaaji Culusoow iyo Jiijo Axmed Iikow  waxaana ku guuleysatay Suhuur Xaaji oo heshay 87 cod, halla Jiiji Axmed ay heshay 12 cod, kursiga lixaad ee HOP 143, waxaa ku guuleystay Cali Sheekh Maxamed Nuur oo helay 90 cod, halka Musharaxii la tartamay ee Cabdiqaador Maxamed Cabdullaahi uu helay 11 cod.

Kursiga todobaad ee ugu dambeeyay doorashadii Maanta ka dhacday Baraawe waxaa ku guuleystay Isaaq Maxamed Maxamuud oo horay ugu fadhiyay isagoo helay 86 cod, halka Musharaxii la tartamay oo ahaa Cabdullaahi Cismaan Ibraahin uu helay 10 cod.

Maalinta berito ayaa lagu wadaa in Baraawe lagu qabto doorashada 6 kursi oo noqonaya kuwa ugu dambeeya doorashada lagu qabanaayo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online