7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada sadax kursi

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kuraasta guddiga doorashada Jubbaland ay shaaciyeen ayaa kala ah HOP 023, HOP 132, HOP 092, waxaana diiwaan gelinta Musharaxiintaan la qabanaya maalinta berito ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay 17-02-2022.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qabashada doorashada sadaxdan kursi ay dhici doonaan 18-ka bishaan Febraayo oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socota.

Hoos ka akhriso jadwalka doorashada sadaxda kursi oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online