7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Wafti culus oo Midowga Yurub ka socda oo Somaliland soo gaadhay

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Wafti ka kooban 10 safiir oo kasocda Midowga Yurub, ayaa safar ku yimid caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud oo muuqbaahiyaha Somaliland uga warbixiyay waftiga, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay oo wafti meeqaam kan lihi yimaado Somaliland.

"Waftigani waa wafti aad u miisaan leh, waa markii ugu horaysay ee wafti intaa leeg oo safiiro reer Yurub ahi uu waddanka yimaado, dhamaan Yurub oo dhan ayaa timid" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Wasiirka ayaa sheegay in waftigani ay Somaliland u yimaadeen xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Midowga Yurub "Waa kor usii qaadista xidhiidhadii aynu adduunyada la lahayn, adduunyadii ayaa inoo soo jeedsatay markaa waa in aynu markawalba ka faa'iidaysanaya, waa toban qof oo wada safiiro sare ah".

Wasiirka ayaa sheegay in socdaalka waftigani uu ka dhiganyahay in adduunku uu Somaliland usoo jeedsaday "Waxad moodaa in siyaasadii arrimaha dibbada Somaliland iyo adduunyadii ay aad iskugu furantay, waxad moodaa in adduunkii aad inoo danaynayo".

Waftiga ayaa saacadaha soo socda kulan la qaadan doona madaxweynaha Somaliland sida uu wasiir Kayd sheegay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]