7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Xukuumada Somaliland oo dil toogasho ah ku fulisay rag hore u dilay dad

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa dil qisaas ah ku fulisay afar askari oo maxkamada millaterigu hore ugu xukuntay dil, ku waasi oo lagu helay in ay dileen askar kale.

Dilka oo ka dhacay deegaanka Madheera ee gobolka Saaxil, ayaa markii hore loo qorsheeyay in lagu fuliyo 6 qof, laakiinse saaka ayaa laba kamid ah ay cafiyeen dhibanayaashi ay ehelka ahaayeen cida ay dileen.

Labada nin ee la cafiyay, ayaa kala ahaa nin hore loogu soo qabtay budhcad badeednimo, kaasi oo askari dilay xili uu isku dayay in uu ka baxsado Xabsiga Dhexe ee Hargaysa.

Ninka kale ee isna tiirka laga furay ayaa ahaa nin hore qof ugu dilay gobolka Sool, kaasi oo isna ay cafiyeen ehelkii dhibanuhu.

Ciidanka millateriga Somaliland, ayaa hore ugu hanjanay in isla markaaba la dili doono askariga askari kale dila.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]