7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 16, 2022
Rabshado ka dhacay magaalada Awbarre ee dowlad degaanka Soomaalida

Arbaco, Febraayo, 16, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Awbarre ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad gadooday ay rabshado ka sameeyeen magaalada Awbarre.

Dadkan ayaa ka cadhooday dhimashada labo wiil, oo sida la sheegay ay ciidamada dowlad degaanka Soomaalidu ay rasaas ku fureen gaari ay wiilashaas dhintay saarnaayeen oo ka gudbayay bar kantarool.

Wiilasha dhintay ayaa sida wararku sheegayaan ahaa arday magaalada u yimid inay ka galaan imtixaanka dugsiga sare ee sannad dugsiyeedkan hadda socda.

Rabshadaha ka dhashay dilka wiilashan ayaa oo bilowday maalinimadii shalay, ayaa ilaa habeenkii xalay ahaa ka socday magaalada Awbarre, iyadoo dadkii isu soo baxay ay kala eryayeen ciidamada ammaanka ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dhanka dowlad degaanka Soomaalida, sida lagu daabacay Facebook-ga Xafiiska Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaa aaggaas dhibku ka dhacay loo diray Hoggaanka Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida Mubashir Dubad iyo saraakiilsha u sarreysa ciidamada gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana la sheegayaa inay baadhis ku soo samaynayaan dhibka ka dhacay magaalada Awbarre.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]