7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Dowladda Soomaaliya oo Turkiga iyo Giriiga ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo dad Soomaaliyeed oo ku geeriyooday xadka labada dal

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in dad tahriibayaal ah oo ku geeriyooday xadka Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen dhallinyaro Soomaali ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay dalalka Turkiga iyo Giriiga iyo UNHCR inay si deg deg ah u baaraan dhimashada 5 qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday xadka Giriiga iyo Turkiga.

Dowladdu waxay sheegtay in ay aad uga murugaysan tahay musiibada ay ku geeriyoodeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna tacsi u dirtay qoysaksii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ah ee ku geeriyooday xadka labada dal u dhaxeeya, kuwaas oo ahaa tahriibayaal, ayaa dhimashadooda loo sababeeyay qabowga darran iyo baraf jirkooda galay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada xadka ee Giriiga ay dharka ka dhigeen muhaajiriinta, iyagoo ciqaab uga dhigay, sidaasna ay ugu adkaysan waayeen barafka dhacayay.

Labada dal ayaa mid midka kale ku eedeeyay inuu masuul ka yahay geerida dhallinyaradan iyo kuwa kale oo dalal kale kasoo jeeda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online