7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Baraawe


Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu doortay magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe.

Kursiga koowaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Baraawe oo tirsigiisu yahay HOP 250, waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Cali Maxamed Sheekh iyo Cabdalla Maxamed Shariif, waxaananku guuleystay Cali Maxamed Sheekh oo helay codad gaaraya 80 cod, halka Cabdalla Maxamed Shariif uu helay 17 cod.

Kursiga labaad oo sumadiisu tahay HOP 160, waxaa kusoo baxay doorashadiisa Maxamed Yuusuf Xasan oo ah wasiirka Waxbarashada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo helay 73 cod, halka Musharaxii la tartamay ee ahaa Cali Abuukar Maxamed uu helay 12 cod.

Kursiga sadaxaad ee tirsigiisu yahay HOP 173, waxaa ku guuleystay Cabdifataax Cabdulaahi caraye, isaga oo helay codad gaaraya 73 cod, halka musharaxii la tartamay ee Cabduwahaab Cali Axmed uu heley 16 cod.

Kursiga afaraad ee sumadiisu tahay HOP 80, oo sanadahii la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Dhalxa oo laga reebay sanadkan waxaa doorashadiisa ku guuleystay Aweys Xuseen Macalin, kaas oo  helay 76 cod, halka musharaxii la tartamay ee Maxamed Cismaan Jibriil uu heley 20 cod.

Kursiga shanaad ee doorashaxii Maanta ka dhacday Baraawe oo sumadiisu yahay HOP 155, waxaa markale ku guuleysatay Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigaan horay ugu fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay, iyada oo heshay codad gaaraya 76 cod, halka musharaxii la tartantay ee Maariya Maxamed ay heshay 14 cod.

Kursiga lixaad oo ahaa kursiga ugu dambeeyay doorashada Maanta ka dhacday Magaalada Baraawe oo sumadiisu yahay HOP 150, waxaa ku guuleystay Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Dhuure oo heley 85 cod, halka musharaxii la tartamaayay Maxamed Cali Ibraahim uu heley 5 cod.

Doorashada Maanta ka dhacday Baraawe ayaa daba socotay doorashada 7 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Shalay lagu doortay magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online