7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Dowlada China oo ka xanaaqday safarka waftiga Somaliland ku joogo Taiwan
 

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibbada China Zhao Lijian, ayaa booqashada waftiga Somaliland ku joogo Taiwan, ku tilmaamay in ay dhaawacayso madaxbannaanida China, iyo dalal kale.

Warkan oo ay daabacday wakaalada wararka ee China News Service, oo ah tan labaad ee ugu wayn wakaalada wararka ee ay leedahay dowlada China, marka laga yimaado Xinhua, ayaa lagu sheegay in Lijian uu safarka waftiga Somaliland kaga jawaabay warsaxaafadeed rasmi ah.

"Adduunka waxa ka jira kaliya hal China, Taiwan na waa qayb China kamid ah oo aan laga jari karin, mabda'a ah hal China ayaa ah xeer la aqoonsan yahay, bulshada caalamkuna isku raacsantahay" ayuu yidhi Lijian.

Lijain, ayaa sidookale, xisbiga haya talada Taiwan ku eedeeyay in uu shidayo dab, isagoo sheegay in DPP uu wax yeelaynayo madaxbannaanida China iyo waddamo kale oo aanu carabaabin lakiin loo fasiran karo in uu uga jeedo Soomaaliya.

"Xisbiga DPP kaliya uma socdaan in ay kala gooyaan China, dabka ayay sidookale babinayaan (hufginayaan)  waxay wax yeelaynayaan midnimada iyo wadajirka waddamo kale, marka danbena iyaga uun baa lugta iska toogan doona" ayuu yidhi Lijian.

Dowladaha China iyo Soomaaliya, ayaa ka gadoodsan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, tan iyo markii uu bilaabmay badhtamihii sannadkii 2020, iyagoo marar kala duwan cambaareeyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]