7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu dooranayo Magaalada Muqdisho
 

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa Maanta ku qabanaya magaalada Muqdisho 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kuraasta Maanta dorashadoodu ka dhaceyso dugsiga tababarada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa kala ah HOP 240, HOP 241, HOP 263, HOP 271,
HOP 205.

Ciidamo farabadan ayaa maanta lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ah ee galada dugsiga tababarka Jenaraal Kaahiye, kuwaas oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya iney isticmaalan wadooyinkaasi.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wada in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo 2022 sida ay horay ugu wada heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, kuwaas oo xalay markale kuwada yeeshay aalada fogaan araga ee ZOOMKA, oo ay uga wada hadleen dhameystirka iyo dardar gelinta doorashada Golaha Shacabka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online