7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay ka doodistii howlgalka cusub ee ATMIS

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyey shirkoodii ay kaga wadahadlayeen waajibaadka shaqo ee loo igmaday, qaabka uu u shaqaynayo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Labada dhinac ee Kooxaha farsamada  ayaa waxay isku raaceen inay qoraalkooda u gudbiyaan dawladda Soomaaliya iyo madaxda midowga Afrika.

Waxaana La isku raacay in loo badalo magaca qorshaha cusub ee lagu hawlgalaayo ATMIS (AU Transitional Mission to Somalia) halka uu horey u ahaa AMISOM.

Shirkan wuxuu gunaanad u ahaay  shirar badan oo horay uga dhacay Muqdisho, Addis Ababa iyo Cairo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online