7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Qarax dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso
 

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday todobo kalena dhaawacyo kala duwwan ayaa kasoo gaaray Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala eegtay goob meherad ah oo  fadhiisiin u ahayd qaar katirsan askarta ciiddanka Puntland sida uu HOL u sheegay qof goob jooge ah.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu yahay miino horey loogusii qariyay goobta lala eegtay, oo ahayd meherad lagu qayilo oo aad u mashquul badan xilliyada maalintii gaar ahaan galbihii.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuuliyadda qaraxan oo kusoo beegmaya xilli walaac weyn laga muujinayo ammaanka magaalada Boosaaso.

Sannadkan cusub magaalada Boosaaso ayay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo masuuliyiinta Puntland.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online