7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Xukuumada Somaliland oo gurmad u fidinaysa dadka abaaruhu saameeyeen

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa bilowday gurmad 2500 oo booyadood oo biyo ah lagu gaadhsiinayo dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku nool badiba gobolada Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo warbaahinta uga warbixiyay barnaamijkan gurmad ka ah, ayaa sheegay in biyo dhaamisku uu socon doono muddo ku sima 2 todobaad ilaa bil.

"Waxa bilaabmay oo qaarkood shalay bilaabmeen, qaar maanta bilaabmeen, qaarna berri bilaabmayaan, howlgal socon doona laba todobaad ilaa bil, oo 2500 oo lowdh oo biyo ah isku noqonaya marka laysku geeyo oo ah biyo dhaamis goboladaas ah" ayuu yidhi wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa sheegay in qaybta ugu badan ee kharashka biyo dhaaminta ay bixisay xukuumada Somaliland "Qaybta ugu wayn xukuumada ayaa leh, hay'addaha ka qayb qaatay ilaa hada howshoodu socotana waxa kamid ah, Save the Children, World vission, Islamic Relief iyo FAO".

Waxa kale oo uu sheegay in kadib marka uu dhamaado barnaamijkani, ay bilaabi doonaan, barnaamij gurmad ah oo kan ka balaadhan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]