7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Qarax xooggan oo ismiidaamin ah ayaa ka dhacay wadada Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxan lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen qaar kamid ah ergooyinkii ka qeybgalaya doorashada xildhibaanmada gobolada Waqooyi ee haatan ka socota Muqdisho.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, ayaa ka dambeeyay qaraxaan, kaasoo isku qarxiyay goob ay ciidamada ammaanku baaritaan ka wadeen.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa jira, balse weli lama sheegi karo inta uu le’eg yahay.

Qaraxa ayaa dhacay, xili wadada Isgoyska Ceel-gaabta ay xiran tahay, isla markaana loo xiray Doorashada Muqdisho ka socota.

Wixii faahfaahin ah kala socda wararkeenna dambe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online