7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Somaliland: Dad haraad ugu dhintay gobolka Togdheer
 

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Hal qof oo dumar ah ayaa haraad ugu geeriyootay miyiga degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, abaaro daran oo deegaanadaa saameeyay awgeed.

Guddoomiyaha degmada Dhoqoshay D.R Axmed Maxamed Warsame, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida qof ka dumarka ah ee haraadka ugu geeriyootay degmada.

"Way jirtaa geeridu Illahay ayaa qoray, Alle ha u naxariisto, marxuumad daasi way dhimatay, waxayna u dhimatay waa baahi biyo iyo baad ba leh, meesha ay taalay waa meel miyi ah oo magaalada u jirta 5 ilaa 6 kiilo mitir" ayuu yidhi guddoomiye Warsame.

Badanka gobolada Somaliland ayaa waxaa samaysay abaar kadib dayrtii iyo karantii sannadkii hore oo aan si wanaagsan uga di'in deegaanada badan kooda, taasi oo sababtay biyo iyo calaf la'aan.

Gabadha haraadka u geeriyootay ayaa noqonaysa, qofkii ugu horeeyay ee guddaha Somaliland ugu geeriyooda gaajada iyo haraadka ay abaartu sababtay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]