7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Doorashada Shan kursi oo si gacan taag ah loogu codeeyay oo Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho


Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku qabtay doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada waqooyi ee Soomaaliland.

Doorashada shanta kursi ayaa ka dhacday xarunta tababarada ciidanka ee Jenaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashada Maanta ay aheyd mid ka duwan doorashooyinkii hore, maadama dhamaan shanta kursi ay ahayeen kuwa lagu doortay cod gacan taag ah.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 205, waxaa ku guuleystayAxmed Cabdi Kooshin oo helay 99 cod oo si gacan taag ah loogu codeeyay, kadib markii ay tanaasushay Muno Xuseen Faarax oo la tartami laheyd.

Kursiga labaad ee HOP 263, waxaa markale ku guuleystay Muuse Saciid Jaamac oo kursigaan horay ugu fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay, isagoona helay 101 oo ahaa dhamaaan codadka ergada oo si gacan taag ah ugu codeeyay, kadib markii ay u tanaasushay Khadra Cabdi Maxamed oo la tartami laheyd.

Kursiga sadaxaad ee Maanta lagu doortay Muqdisho oo sumadiisu yahay HOP 240, waxaa ku guuleystay Cali Maxamuud Aadan kadib markii ay u tanaasushay Marwo Rooda Maxamuud Axmed, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay uu helay 98 Cod, waxaana ka aamusay 2 ruux oo kaliya.

Kursiga afaraad ee HOP 271, waxaa Maanta ku guuleystay Cali Cabdi ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Marwo Farxiya Obsiiye Wacays oo la tartami laheyd, waxaana hab gacan taag oo loogu codeeyay uu helay 90 cod, waxaana ka aamusay sadax cod.

Kursiga shanaad ee HOP 241, waxaa ku guuleystay Cabdiqani Ismaacil Saciid kadib markii ay ka tanaasushay tartanka Doorashada kursigaas Marwo Ayaan Ismaaciil Cabdi, waxaana cod gacan taag oo loogu codeeyay uu ku helay 91 Cod halka ay ka aamuseen 9 ruux.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online