7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 10, 2022
Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa magaalada Baraawe
 

Khamiis, Febraayo, 10, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Baraawe ay ka dhacdo doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada kuraastaan ayaa ah deegaan doorashadii labaad ee maamulada horay loogu asteeyay in maamul kasta laba magaalo ay ku qabtaan doorashada Golaha Shacabka, waxaana Baraawe ay noqotay magaaladii labaad ee ugu horeysay ee doorasho lagu qabto, iyadoona shalay halkaasi lagu doortay ilaa kursi oo 7 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, islamarkaana Maanta lagu dooranayo 6 kursi oo kale.

Kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso Baraawe waxaa ka mod ah HOP 173, oo ay ku tartami doonaan Musharaxiinta kala ah Cabdifitaax Cabdulle Caraaye iyo Cabduwahaab Cali Axmed, Kursiga HOP 155, waxaa isna ku tartami doona Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigaan hadda ku fadhisa iyo Maariya Maxamed Cabdiraxmaan, halka kursiga HOP 150, ay ku tartami doonaan Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhure iyo Maxamed Cali Cabdiraxmaan.

kuraasta afaraad ee tirisigiisu yahay HOP 160, oo uu hada ku fadhiyo Nuur Siidow Baaba ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Yuusuf Xuseen iyo Cali Abuukar Maxamed, halka kursiga shanaad ee HOP 250, ay ku tartami doonaan Cabdalla Maxamed Shariif iyo Cali Maxamed Sheekh Maxamed.

Kursiga lixaad oo ah kursiga ugu dambeeya ee doorashada Maanta ka dhaceysa Baraawe oo sumadiisu tahau HOP 80, oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Dhalxa oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doona Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cismaam Jibriil.

Amaanka Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, kadib markii shalay magaalada ay ku dhaceen madaafiic sababay dhimasho iyo dhaawac oo ay ku weerareen dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay madaafiicdaasi afar qof, halka 9 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online