
Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay murankii maanta ka dhacay xarunta baarlamanka Somaliland, isagoo ugu baaqay dhinacyada inay is-xakameeyo, xaaladdana la dajiyo.
Danjire Nicholas Kay ayaa war-saxaafadeed uu caawa kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay inuu walaac xooggan ka muujisay rabshadihii maanta ka dhacay baarlamaanka Somaliland, xilli lagu jiro u diyaar-garowga doorashooyinka Somaliland.
War-saxaafadeedkiisa ayuu danjire Kay ka hadlay xubno uu sheegay inay ka tirsan yihiin golaha wakiillada Somaliland oo xabsiga loo taxaabay iyo sidoo kale rabshado ka dhacay deegaannada maamulkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.
"Somaliland horumarro wanaagsan ayay ka sameysay inay doorashooyin dimuqraadi ah ka dhacaan. Rabshadihii maanta waxay khatar ku yihiin doorashooyinka soo socda," ayuu danjire Nicholas Kay ku yiri warka uu caawa soo saaray.
Ugu dambeyn, wakiilku wuxuu qoraalkiisa ku yiri. "Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is-xakameeyaan. Geeddi socodka dimoqraadiyadana si buuxda loo ixtiraamo."
Hadalka Kay ayaa kusoo beegmaya iyadoo kulankii xubnaha baarlamaanka Somaliland uu yeelan lahaa uu buuq hareeyay, iyadoo guddoomiyaha wakiillada, C/raxmaan Cirro, isla markaana ah guddoomiyaha xisbi mucaarad ah uu xukuumadda ku eedeeyay inay af-duub ku haysato xarunta golaha wakiillada.
Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa isaguna buuqii ka dhacay maanta xarunta golaha wakiillada ee Hargeysa ku tilmaamay mid uu aad uga xun yahay oo aanu u dul-qaadanayn, isagoo eedeyn u jeediyay guddoomiyaha wakiillada Somaliland.
Muranka wakiillada Somaliland ayaa ahaa mid xilliyadii dambe soo jiray kaas oo sababay in xukuumadda Somaliland iyo xubnaha goluhu ay hadallo isku dhaafsadaan warbaahinta, iyadoo aan la ogeyn sida buuqan lagu soo af-jari karo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya