Dowladda Somalia & Maamulka Jubba oo kala saxiixday heshiis Is-afgarad ah

Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka KMG-ka ah ee Jubba ayaa maanta heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixday xarunta maamulkaas ee Kismaayo, kaddib booqasho ay ku tageen wasiirro ka socda dowladda Soomaaliya.

Xubnaha dowladda uga qaybgalay wadahadallada heshiiskan lagu saxiixay ayaa waxay kala ahaayeen; wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llahi Goodax Barre, wasiirka gaashaandhigga, Maxmed Xasan Xaamud, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane iyo madaxa hogganka taakuleyna ciidanka xoogga dalka, Jen. C/llaahi Ceynte.

Dhanka maamulka KMG-ka Jubba, waxaa iyagana uga qayb-galay kulankan xubno ay ka mid ahaayeen; wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Max'ed Warsame Faarax Darwiish, wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Maxamed Nuur Iftin, wasiirka xannaannada xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga, Maxamed Macallin, wasiirka madaxtooyada Jubba, C/qani Cabdi Jaamac, la-taliyaha madaxweynaha Jubba, Cabdi Cali Raage iyo afhayeenka maamulka, C/naasir Seeraar Maax.

Qodobbadii ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa kala ahaa;

1. Waxaa la isla gartay in laga sameeyo gobollada hoos-yimaada maamulka Jubba ciidan Qaran oo isku dheellitiran, iskuna dhafan lagana soo qoro gabi ahaan deegaannada Jubbooyinka.

2. In maamulka Jubba uu helo taageero deg-deg ah oo dhanka agabka iyo taakuleynta ciidamada ah.

3. In guddiyadii wadajirka ahaa ee farsamada iyo arrimaha aminga si deg-deg ah uga howl-galaan maamulka Jubba si ay u furdaamiyaan arrimaha kala sooca ciidamada Qaranka iyo diiwaan-gelintooda.

4. Waxaa lagu heshiiyay in tirada ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalaya Jubbooyinka la qoondeeyo iyo in xarumahii tababarada ee Jubbooyinka sida luglow iyo meelaha kale ee ay isticmaali jireen hoggaamadii 43-aad iyo 60-aad ee ciidamada xoogga dalka dib loo howlgeliyo si ciidanka tabbarro ay ugu qaataan.

5. In dib loogu yeero wixii ka haray ciidamadii Qaranka ee Kenya lagu soo tababary wixii laga heli karo.

6. In ciidanka Qaranka ee ka howlgelaya Jubbooyinka wixii agab ciidan ah ee ay u baahan yihiin maalmaha soo scoda loo gaarsiiyo si howlgalladooda u sii socdo.

7. In wixii ku saabsan arrimaha booliiska laga taageero ciidamada boliiska ee maamulka KMG-ka ah ee Jubba.

8. In xafiiska arrimaha socdaalka si deg-deg ah looga hirgeliyo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

9. In hay’adihii taageerayay booliiska maamulka Jubba loo fasaxo; dowladda dhexena ka taageerto wixii kaga aaddan.

Heshiiskan sagaalka qodob ah ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay ku heshiiyeen ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa heshiisyo ay labada dhinac horay u galeen, kuwaasoo qaarkood aan weli la fulin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya