Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Sabti, November 15, 2014 (HOL) —
Sabti, November 15, 2014 (HOL) —Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socday xukuumadda federaalka Soomaaliya, iyadoo wafdigan uu horkacayay wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane C/laahi Goodax Barre.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Mudane Max'ed Sheekh Xasan Xaamud, wasiirka maaliyadda mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo saraakiil ciidan.

Garoonka magaalada Kismaayo ayaa waxa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirro iyo madax ka tirsan maamulka Jubba, waxaana intaa kadib loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo.

Wafdiga ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula leh madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaana kulankani uu yahay mid ay saxaafaddu dibad-joog ka tahay.

Warbixin faahfaahsan iyo weliba sawirrada wafdiga, wararkeenna danbe ayaan idinku soo gudbin doonnaa haduu rabbi qadaro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya