
Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyaha baarlamaanka ugu baaqay inuu is-casilo haddii uusan maareyn karin shirarka baarlamaanka.
Mudane Xoosh ayaa sheegay inuu maalintii labaad kulankii baarlamaanka Somalia u qab-soomi waayay tiro yar oo xildhibaanno ah oo buuq sameeyay, iyadoo guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa ay goobta isaga tageen markii ay xakameyn waayeen xildhibaannada buuqa sameynayay.
“Guddoomiyaha baarlamaanka howshiisii wuu gabay, inuu maareeyo ayay ahayd shirka haddii uusan maareyn karin xilka waa inuu isaga dago, anaga ayaa soo dooranayna guddoomiye cusub oo howsha qaban kara,” ayuu yiri xildhibaan Xoosh.
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha laga doonayo in isagoo adeegsanaya xeerarka u yaalla baarlamaanka xildhibaankii buuq sameeya uu dibadda uga saaro kulanka, isagoo ku eedeeyay inay lug u laaban tahay, isla markaana aanu doonayn in awooddiisa uu u isticmaalo xidhibaannada uu ka wadi la’yahay fadhiyada baarlamaanka.
“Xer hoosaadka baarlamaanka ayaa siinaya guddoomiyaha awood uu wax kaga qaban karo kuwa rashadaha sameynaya. Xildhibaan buuq sameeya inuu ka saaro kulanka ayuu awood u leeyahay balse ma doonayo inuu sidaas sameeyo, haddii awoodaas aanu isticmaali karin kursiga haka dago ayaa ku leeyahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu hoosta ka xariiqay inuusan baarlamaanku u xayirnaan akrin afartameeyo xildhibaan oo buuq sameynaya maalin walba, isagoo arrintaan ku tilmaamay isbaaro cusub.
“Baarlamaanku uma afduubnaanayo xildhibaanno afartameeyo ah, tanina waa nooc cusub oo isbaaro ah. Haddii guddoomiyuhu uu raalli ka yahayna mooshin ayaan ka keenaynaa,” ayuu Xoosh ku goodiyay.
Ugu dambeyn, xildhibaan C/raxmaan Xoosh ayaa sheegay in xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka inay ku hanjabeen in inta uu jiro mooshinkaas ay sii wadayaan is hor-taagooda kulammada baarlamaanka, taasoo uu xusay in ay tahay mid aan la ogolaan karin.
Maanta ayuu mar kale kulanka baarlamaanka Soomaaliya u baqday buuq iyo heeso ay gudaha baarlamaanka ka qaadayeen xildhibaanno ka tirsan kuwa golaha baarlamaanka, taasoo keentay in guddoonka uu kulanka isaga baxo iyagoo aan soo xirin fadhiga.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya