Baarlamaanka oo Maanta yeelana kulan kale oo looga hadli doono Mooshinka

Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaaanka Somalia ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Muqdisho, kaddib markii uu buuq ka dhacay Talaadadii lasoo dhaafay, kaasoo sababay inuu hakad ku yimaado kulammadii baarlamaanka Somalia.

Guddoonka baarlamaanka ayaa xalay shaaciyay in maanta oo Sabti ah ay kulammadii dib u billaabayaan, iyadoo laga yaabo in la geeyay xarunta ciidammo si ay u xakameeyaan buuqa xildhibaannada.

Waddooyinka galaha xarunta baarlamaanka ayaa la xiray, halkaasoo lagu arkayo ciidammo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid, si ay amniga guud ee loo xaqiijiyo.

Xoghayaha guddiga xeer hoosaadka baarlamaanka, xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in ajandaha shirka uu yahay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Maanta ayuu shirkii baarlamaanka billaabanayaa, ajandahaha waxaa ku jira mooshinkii laga keenay xukuumadda, waxaana xildhibaanada isla maanta loo qaybinayaa mooshinka,” ayuu xildhibaanku u sheegay warbaahinta.

Mudanayaashii fowdada kiciyay ayaa la sheegay in laga saarayo kulanka uu maanta yeelanayo, waxaana suuro-gal ah in guddoonka uu qaato tallaaboo-yinkaas, kaddib markii uu dhawaan ku hanjabay guddoonka inuu tallaabo ka qaadi doono xildhibaannadii buuqa kiciyay.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa ku muransanaa mooshinkan, waxaana xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha ay ku tilmaamay inuu yahay mid sharci-daro ah, halka kuwa taageersan madaxweynaha ay qabaan in mooshinkan uu sharci yahay, maadaama xukuumadda ay ku fashilantay howlihii loo igmaday.

Si kastaba ha ahaatee, marka xildhibaannada loo qaybiyo mooshinkan ayaa shan maalmood kaddib ka doodi doonaan, sida uu qabo xeer hoosaadka marka mooshin la keeno, waxaana la ogayn sida xaal noqon doono, iyadoo wali uu taagan yahay khilaafka madxaweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya