Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo ka furmi waaya Xildhibaanno Heesaya (VIDEO+SAWIRRO)


Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa mar kale furmi waayay, kaddib markii xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda ay billaabeen inay heesaan markii la doonayay in kulanka la furo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si caro leh uga baxay hoolka isagoo aan soo xirin kulanka, kaddib markii uu awoodi waayay inuu xildhibananada baarlamaanka ee buuqa billlaabay.

Heesaha ay xildhibaannadu qaadayeen ayaa waxaa ka mid ahayd heesta Soomaaliyeey toosa, iyagoo diiday inay fariistaan, markii guddoonku ay ka dalbadeen inay heesta joojiyaan oo ay fariistaan.

Xildhibaanada fowdada sameeyay ayaa sidoo kale, xarunta lasoo galay boorar ay ku qornaayeen erayo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Qof ama Qaran, badbaadi Qaranka iyo Soomaaliya waa dal xor ah.

DHAGEYSO: XILDHIBAANNO BUUQ KA KICIYAY BAARLAMAANKA

Waa markii labaad oo kulanka baarlamaanka uu u baaqdo buuq ay xubno ka tirsan golaha baarlamaanku sameeyaan, gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in buuqa maanta sababay inuu furmi waayo kulankii baarlamaanka uu shir jaraa’id ku faahfaahiyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya