Madaxweyne Xasan oo Warqadihii Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Masar


Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjiremo ka guddoomay safiirka dowladda Masar ee Soomaaliya, kaasoo hoggaaminayay wafdi ka socda dalka Masar.

Xasan Sheekh oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ka socda dalka Masar ayaa kulan gaar ah la qaatay danjire, Mowliid Ismaaciil oo Masar ay u soo magacowaday safiirkeeda Somalia, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Craxmaan Ducaale Beyle oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynaha iyo safiirka Masar ee Somalia ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid ahaayeen sidii ay Masar u xoojin lahayd taageerada ay siiso Somalia, isagoo intaas ku daray in safiirku uu ballan-qaaday inay kordhinayaan deeqaha waxbarasho oo ay siinayaan ardayda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, danjire Mowliid Ismaaciil oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay in madaxweynaha Somalia uu maanta ka guddoomo warqadihii aqoonsiga safiirnimo, isagoo ballan-qaaday inuu xoojin doono cilaaqaadka u dhexeeya labada dal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya