Maamulka Puntland oo lacag ku Wareejiyey guddiga abaaraha Gobolka Gedo


Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Guddiga abaaraha gobolka Gedo ayaa lacag $100,000 oo doollar lagu wareejiyay kaddib munaasabad ka dhacday  magaalada Garowe oo ay ka so qayb-galeen madax ka tirsan maamulka iyo qaar ka mid ah culumada gobolka Nugaal.

Lacagtan ayaa laga soo aruriyay magaalooyinka kala ah Gaalkacyo, Garowe, Bosaaso iyo Goldogob waxaana loogu tala-galay in lagu taageero boqalaal ka mid ah shacabka gobolka Gedo oo la dhibaataysanaa abaaro halkaas ku dhuftay.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/qani Xaashi oo munaasbadda ka hadlay ayaa u mahad-celiyay guddiga arintan ka shaqaynayay,waxaana uu tilmaamay in degmada Garowe ay in badan ka qayb qaadatay qaaraanka lacagtan lagu aruuriyay.

“Waxaa gurmadkan la daah-furay bishii hore waxaana la soo gaba-gabeeyay afartii bishan aynu ku jirno ,waxaa lacagtii ugu badanaynd ee la bixiyay ay dhamayd 10,000 oo dollar “ayuu yiri Shekh C/qani Qorane oo ahaa madaxii farsamada ee howshan.

Afhayeen u hadlay guddiga abaaraha gobolka Gedo oo lagu magacaabo Maxamed Shekh Maxamuud ayaa u mahad-celiyay dhamaan xubnihi ka qayb-galay taburrucaaddan lagu taageerayay gobolka Gedo.

Ugu danbayntii lacagtan ayaa noqonaysa tii ugu badneyd ee laga aruuriyo gobollada Puntland ,waxaana ay imaanaysa, iyadoo  abaaro aad u daran ay ka jiraan gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]