Shirkii Wakiillada Somaliland oo dib u dhacay iyo Dibad-bax ka dhacay Burco


Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa Saaka  ku waaberiistay ciidan badan oo la dhoobay agagaarka Baarlamaanka, iyagoo dhamaan la xidhay wadooyinka soo galla,isla markaana aan gaadiid iyo dadtoona loo ogolayn inay wadooyinkaasi soo maraan.

sidoo kale, waxaa gabi ahaan loo diiday xarunta golaha inay warbaahintu gasho madaxa banaan marka laga reebo wariyeyaal kooban oo dawladdu ogoshahay mooyee, taasina waxay keentay in guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro warbaahinta kula hadlo hoteelka Imperial waxaanu sheegay inay ciidamo la wareegeen xaruntii baarlamaanka, isla markaana uu xidhay kalfadhigii furmi lahaa maadaama oo uu dibadda ka joogo golaha.

Sidoo kale, xildhibaanadda mucaaradka ah ayaa iyaguna sheegay in aanay ka qaybgalleen kalfadhiga furmaya illaa inta xoriyadiisa loo soo celinayo xarunta baarlamaanka, isla markaana waxay cambaareeyeen xadhiga loo geystay xoghayihii golaha Wakiiladda oo xalay xabsiga loo taxaabay.

DHAGEYSO: Dooddii Maanta ka dhacday Aqalka Wakiillada Somaliland

Haseyeeshee gudddoomiye ku xigeenka Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa isagu furey kalfadhiga golaha oo ay ka soo xaadireen xildhibaanadda muxaafadka ah ee doonayey inay xilka ka qaadaan gudoomiye Cirro,balse waxa markiiba golaha soo gaadhay gudoomiyaha golaha Guurtidda oo shirgudoonka iyo xildhibanaadda wakiiladda ka codsaday in laba cisho dib loo dhigo furitaanka golahoodda, taas oo ay ka Aqbaleen xildhibaanadda muxaafadka ah.

Dhinaca kale, waxa iyaguna mudaharaad balaadhan oo ay horkacayaan xildhibaanadda mucaaradka ku mareen wadooyinka qaar, haseyeeshee, waxa isla markiiba xabsiga loo taxaabay illa shan xildhibaan iyo wariyeyaal la socday, kuwaas oo ku jira xarunta dambi baadhista Hargeysa.

Sidoo kale, waxa mudaharaad balaadhan ka dhacay magaaaladda Burco, kuwaas oo dadweyne taageerayey gudoomiyaha golaha Wakiiladda ee xilka laga qaadayey iyo ciidanka Boolisku iska hor imaad ku dhexmaray, waxaana halkaasi la sheegay inay ku dhinteen illaa Laba qof, halka lix kalena dhaawac yihiin, inkastoo weli aanay kala cadeyn khasaaraha halkaasi ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka ka jira golaha Wakiiladda ayaa si weyn looga dareemay magaaladda Hargeysa, iyadoo magaaladda lagu arkayey ciidan badan oo dhex wareegaayey, kuwaas oo ka cabsi qabay in mudahaarad lagu taageerayo baarlamaanka ka dhaco magaalada, haseyeeshee mudaharaad aan badnayn oo ay horkacayeen xildhibaanadda ayaa wadooyinka qaar lug ku maray, inakastoo markiiba xabsiga loo taxaabay xildhibaanadda, xadhiga lagula kacay xildhibaanada waxa cambaareeyey gudoomiye Ciro oo sheegay inay sharci daro tahay in xildhibaan la iska xidho karo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland