Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa markii ugu horreysay ku gooddisay inay jarayso dhaqaalaha ay siiso Soomaaliya, iyadoo u sababeysay khilaafka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh sida ay qortay wakaaladda wararka AP ee dalka Mareykanka.
Wakiilka Mareykanka ee arrimaha Somalia, Jame P. McAnulty ayaa dhawaan ku hanjabay in Mareykanka uu ka jaranayo Soomaaliya dhaqaalaha uu siiyo illaa inta ay wada-shaqey-nayaan Madaxweynaha Ra’iisul wasaarahiisa.
Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan magaciisa sheegin ayaa isna u sheegay saxaafadda inay jirto hanjabaada uu Mareykanku sheegay inuu ku jarayo dhaqaalaha uu siiyo Soomaaliya.
Dalal uu Mareykanku ka mid yahay ayaa horay u sheegay inay walaac weyn ku hayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya madaxda sare ee Somalia, taasoo horseedi karta in kalsoonidii ay beesha caalamku ku qabtay dowladda federaalka Soomaaliya ay lunto.
Mareykanka ayaa sannadkii 2012 wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday dowladda federaalka ee Soomaaliya tan iyo markii ay dhacday dowladdii hore ee dalka ka talinaysay, iyadoo tani ay horseeday in caalamku uu kalsooni badan siiyo dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.
Hanjabaadan ayaa laga baqdin qabaa inay horseedo in dalal badan oo lacag u ballanqaaday Soomaaliya inay iyaguna ka jaraan, inkastoo aysan go’aanka cusub ee Mareykanka aysan weli ka hadlin arrintan dowladda Soomaaliya.
Mareykanka ayaa ah dalka ugu badan ee dhaqaalaha ku bixiya horumarinta Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab.
Khilaafka madaxda Soomaaliya u dhexeeya ayaa wuxuu gaaray meel sare, kaasoo sababay inay kala qaybsanaan golayaasha dowladda sida golaha wasiirrada iyo kan baarlamaanka, dhawaanna muran khilaafkan ku saabsan uu ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka Somalia oo la geeyay mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya