Madaxweynaha oo Jeediyay khudbad uu kaga Hadlay Arrimo badan (DAAWO)

Sabti, November 15, 2014 (HOL) — Madaxweynha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad dheer oo uu jeediyay xalay kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, khilaafka jira, hiigsiga 2016-ka, buuqii baarlamaanka ka dhacay iyo sidoo kale farriin uu diray shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay dhismaha cidamada xoogga dalka iyo qorshaha dowlad-dhisidda dalka, wuxuuna sheegay in ay ku guuleysteen arrimo badan oo qayb ka ah xoojinta dowladnimada dalka.

Shacabka soomaliyeed ayuu madaxweynaha ugu baaqay inay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo sababai kara burbur ku yimaada dowladda iyo inay hakadaan howlaha ay doonayaan inay dalka ku gaarsiiyaan doorasho.

HADDABA, DAAWO KHUDBADDII MADAXWEYNUHU JEEDIYAY:
 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya