7/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 23, 2011
Ciidammo ka tirsan Ahlu-sunna Waljamaaca oo Dhuuso-mareeb ku dilay dhallinyaro ay xabsi kala baxeen

Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) — Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galgaduud ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Ahlu Sunna ee degmadaa toogteen labo dhalinyarro ah oo ay kala baxeen xabsiga degmada.

Dhalinyarrada la dillay ayaa ahaa kuwo maxkamad sugayaal ah, kadib markii looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxda ay sida weyn isku hayaan Ahlu Sunna ee xarrakada Shabaabul Mujaahidiin.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa-mareen Macalin C/raxmaan Cali ‘’Gaada-qoroow’’ oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uu jiro dilka labada dhalinyarrada ah, islamarkaana dhinacooda aad uga xun yihiin.

"Runtii waan ka xunnahay sida uu falku u dhacay, waana wax lala yaabo in xabsi lagala baxo dad rayid ah oo wali danbi ku cadaan, sidaa daraadeed loogama hari doono kooxaha falkaa ku kacay ayuu yiri,’’ guuddoomiyaha degmada Dhuusa-mareeb ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Ahlu Sunna Waljameeca ayaa dagaal waxaa uu kala dhaxeeyaa xoogagga Al-shabaab oo ay isku hayaan maamulka gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo is xig xigtay dagaalo ku dhaxmareen labada dhinac qeybo ka mid ah gobolka, iyadoo kii ugu danbeeyay uu ka dhacay bartamaha degmada Dhuusa-mareeb.

Ragga la dillay ayaa ku jiray xabsiga degmada Dhuusa-mareeb, waxaana uu maamulku sheegay in loo heystay danbi ah in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, laakiin wali laguma cadeyn danbiga loo hayay, waxaana talaabada ay qaadeen ciidamada Ahlu Sunna ay dhabar jab ku tahay maamulka halkaa ka jira ee xabsiga ku hayay dhalinyarrada la dillay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya