Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo qaybiyay sharci ku saabsan burcadbadeedda

Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho loogu qaybiyay sharciga burcadbadeedda iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha ay kasoo horjeesteen ka doodista qodobkan ayna dalbadeen in baarlamaanka la horkeeno heshiiskii tubta nabadda (Roadmap) ee kasoo baxay shirkii lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ka qaybgalay 335 xildhibaan, waxaana markiiba loo qaybiyay sharciga lagu dhaqayo burcadbadeedda.

"Sharcigan waa inay xildhibaanadu soo akhristaan waxaana laga doodi doonaa maalinta Talaadada ee soo socota," ayuu yiri Shariif Xasan, isagoo sheegay in ajnadayaal fara badan ay horyaallaan kuwaasoo u baahan in laga doodo.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulanka ka hadlya ayaa sheegay in loo baahnaa in lasoo gudbiyo heshiiskii tubta nabadda ee lagu gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inaan loo baahnay in si gaar ah looga hadlo sharciga burcadbadeedda, iyadoo horay looga tanaasulay ka hadalka arrimaha badda.

"Burcadbadeedku wuxuu la mid yahay burcad barriga, ma ahan in si gaar ah looga hadlo, waxaa ka habboonaan lahayd in lasoo gudbiyo Roadmap-ka," ayuu yiri mudane Cabdi Cabdullaahi Xaashi.

Afhayeenka baarlamaanka oo hadalka qaatay ayaa sheegay inay iyaga la noqotay in laga doodo sharciga burcadbadeedda lagu dhaqayo, isagoo sheegay inaysan kasoo horjeedin la horkeeno baarlamaanka heshiiskii tubta nabadda ee lagu gaaray Muqdsiho.

"Cid diiddi karta heshiiskii Roadmap-ka ee lagu gaaray Muqdisho ma jirto, markii la dajinayay waxaa joogay 17-xildhibaan, waana la horkeenayaa baarlamaanka, balse waxaa wanaagsan inaan marka hore ka doodno ajandayaasha aan khilaafka keenayn," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in qodobka ku saabsan shaciga burcadbadeedda uu isaga ula muuqdo in laga doodo, isagoo sheegay inay xor u yihiin xildhibaannadu oo ay diidi karaan.

Ugu dambeyn afhayeenka baarlamaanka ayaa soo xiray kulanka iyadoo lagu wado in maanta Talaadada ah uu qabsoomo kulanka xiga, loogana doodo sharciga ku saabsan burcadbadeedda.

Maxamed Xaaji Xuseen, HiiraanOnline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya