Urur Goboleedka IGAD oo si buuxda u taageeray howlgallada ciidamada Kenya ay ka wadaan gudaha Soomaaliya

Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) — Urur goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin lix waddan oo ku yaalla bariga Afrika ayaa taageeray qorshaha ay ciidamada Kenya ku galeen Koonfurta Soomaaliya, kaddib kulan ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa Jimcihii lasoo dhaafay.

Dowladda Kenya ayaa waxay laba batalyan oo ciidamadeeda milateriga oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayaa ka gudbay soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya toddobaadkii hore.

Howlgalka Kenya ay ciidamadeedu ka billaabeen gudaha dalka Soomaaliya oo aysan weli madaxda DKMG ah ka gaabsanayaan inay ka hadlaan ayaa waxaa la sheegay inuu yahay mid looga horjeedo Xarakada Al-shabaab oo lagu eedeeyay inay afduubyo is-daba-joog ah ka geysteen gudaha dalka Kenya, kuwaasoo lagu qabsaday dad dalxiisayaal ah iyo shaqaale gargaar.

War-murtiyeed laga soo saaray shirka IGAD ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay howlgalka ay Kenya kawaddo gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay inuu yahay mid ay dowladda Kenya ku difaacanayso dalkeeda, kuna adkeynayso ammaankeeda.

"Innaga gobol ahaan waxaan ugu baaqnay inay taageeraan go'aannadii aan horay u gaarnay oo ahaa in cunnoqabateyn lagu soo rogo garoommada iyo dekedaha ku yaalla gobollada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab," ayuu shirka ka sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Moses Wantag'ula.

Wasiirka oo la weydiiyay muddada ay ku qaadan karto inay kusoo afjaraan howlgalka ay ka billaabeen gudaha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, balse wuxuu sheegay inay ciidamadoodu horumarro ka sameeyeen howlgalka ay ka bilaabeen Soomaaliya.

"Ciidamada Kenya waxay joogayaan Soomaaliya inta ay howsha ay gudanayaan howsha ay u galeen," ayuu yiri Wantang'ula oo ka jawaabayay su'aal ahayd sida uu u arko go'aankii ay Itoobiya ciidamada ku gelisay Soomaaliya iyagoo isku-dayay inay meesha ka saaraan Xarakada Al-shabaab balse ay ku guuldareysteen.

Mr. Wantag'ula wuxuu sheegay in Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda ay shalay u baahnaayeen nabad, isagoo sheegay in go'aankoodau u yahay mid ay saldhig uga dhigeen in tallaabo la qaato maanta si khatarta jirta meesha looga saaro, xilliganna uu yahay ku habboonaa in howshaas la qabto.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa iyaduna sheegtay inay ka fiirsanayaan inay qayb ka qaataan ka qaybgalka howlgalka milateriga ee ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, iyadoo sheegtay in la joogo waqtigii gobolku uu go'aan ka qaadan lahaa daan-daansiga Al-shabaab.

"Qorshaha muddada fog iyo hadafku wuxuu yahay in Al-shabaab laga ciribtiro guud ahaan Soomaaliya, waqtiganna wuxuu muujinayaan in Al-shabaab gabbalkeedii uu dhacay," ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Hailemariam Dessalegn oo kulanka ka hadlay.

Wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Xaamud Cali Masheeye ayaa xubnaha IGAD u sheegay in ciidamada DKMG ah oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay inta badan Muqdisho gacanta ku hayaan, welina uu socdo dagaalka looga saarayo kooxdan caasimadda.

Xoogaga Xarakada Al-shabaab ayaa bishii Ogoosto ee sannadkan faarujiyay fariisimo ay Muqdisho kaga sugnaayeen, gaar ahaan degmooyinka ay ka talinaysay muddada saddexda sano ahayd.

"Dagaal faraha looga gubtay ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho, waxaana ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay kaga itaal roonaadeen dagaalkaas Al-shabaab, welina dagaalku wuu socdaa," ayuu yiri Mr. Xaamud.

Madaxda IGAD ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada Dayniile lagu dilay 10-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, inkastoo mas'uuliyiinta Xarakada Al-shabaab ay sheegeen in dagaalkaas ay ku dileen 101-askari oo ay 76-askari oo ka mid ah soo bandhigeen maydadkood.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 9,000 oo askari oo ka socda dalalka uganda iyo Burundi, iyadoo madaxda Midowga Afrika ay ka fikirayaan sidii ay tirada ciidamada AMISOM u kordhin lahaayeen kuna gaarsiin lahaayeen 12,000 oo askari.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya