Diyaarado duqeyn ka geystay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose

Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) —  Diyaarado nooca dagaalka oo aan heybtooda la aqoon ayaa goordhawayd duqeyn ka geeystay goobo dhowr ah oo katirsan  magaalada Kismaayo. Goobaha ay diyaaradaha duqeeyeen ayaa waxa kamid ah dakadda caalamiga ah ee magalaada Kismayo iyo saldhigga dhexe ee magaalada.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka jaziiradaha ku yaal dhanka koonfur galbeed ee gobolka Jubbada hoose, iyadoona dhowr gantaal ku garaaceen Saldhigga Dhexe ee magaalad iyo dakadda gudaheeda gaar ahaan meesha loo yaqaan indhobararka ee afaafka hore ee dakadda.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa HOL u xaqiijiyay duqeynta, isagoona sheegay in ay duqeynta si ba'an uga dhacday dakadda Caalamiga ah ee magaalad Kismaayo. Gantaallada ay ridayeen dayuuradaha ayaa siweyn looga maqlayay guud ahaan magaalada Kismaayo, lamana oga ilaa imika qasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen duqeymahaasi.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka degmada Kismaayo oo ka hadlay duqeymahaasi, waxaana mar qura ay cabsi lasoo darastay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo iyagu laga dareemayo cabsi aad u weyn.

Duqeymahani ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jaziiradaha ee gobolka J/hoose ay soo buuxdhaafiyeen maraakiib dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya, kuwaa oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin howlgallada ay dowladda Kenya ka wado gobollada Jubooyinka.

Wixii wararkaasi kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa insh’allaah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya