Mudane Cabdiweli ayaa sheegay in hadalkan uusan ahayn mid iska sheeg ah balse ay ka go'an tahay inay dib u soo celiyaan ammaanka guud ee dalka, ayna ku gaari doonto sida ugu dhaqsiyaha badan gobollada ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
"Maanta dalkeennu wuxuu haystaa fursad qaali ah, caalamka oo dhan ayaa noosoo gurmaday, inkastoo aad mooddo inaan ka faa'iideysan la'nahay fursadahaas, waayo dadkii horseedka u ahaa caqabadda dalka ka taagan ayaa tanna hortaagan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo aan carrabka ku dhufan dadka uu sheegayo.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dalalka dunida qaarkood ay u soo gurmadeen Soomaaliya ayna doonayaan inay si dhab ah wax uga badalaan xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay booqashadii uu ra'iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku yimid Muqdisho.
Kulanka uu ra'iisul wasaaruhu uu ka hadlay ayaa waxaa soo qabaqaabiyay guddiga dib u heshiisiinta Qaranka, waxaana goobjoog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah, culummaa'uddiin, waxgarad iyo xubno kale.
Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse ayaa ka sheegay kulanka in kulankan ay ugu magac-dareen (Wacyi-gelinta iyo baraarujinta dib u heshiisiinta), isagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay si weyn uga bedelan tahay sidii hore.
"Nabadda Soomaaliya waxaa hortaagan kuwa aan doonayn in Soomaaliya ay nabad hesho, balse ma ahan kuwa dagaashan ee la heshiisiinayo shacabka iyo beelaha Soomaaliyeed," ayuu yiri Dr C/weli Gaas.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inuu maqlay in Sheekh Mukhtaar Roobow uu yiri dadkii baa na nacay, dhibbaan u geysannay ee hana cafiyaan, isagoo yiri: "Waxaan leennahay Sheekh Mukhtaar soo dhawow haddii Alle kusoo hanuuniyay."
Dhanka kale, kulanka waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta, guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka iyo xubno kale, kuwaasoo dhammaantood ka hadlay dib u heshiisiinta iyo faa'iidooyinka ugu jira Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, HiiraanOnline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya