Dowladda Kenya oo sheegtay inay ciidankeedu ku wajahan yihiin Xarunta Jubbada hoose ee Kismaayo


Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) � Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubada hoose, iyagoo sheegay inay qabsadeen deegaanka Buur-gaabo.

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya iyo kuwa Somalia oo wada socda ay ku sugan yihiin meel dhowr kiiloo-mitir oo qura u jirta degmada Afmadow oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in Afmadow ay hadda ka taliso Xarakada Al-shabaab, balse uu qorshaha ugu jiro inay qabsadaan, isagoo aan sheegin xilliga ay weerarayaan.

"Waxaan rumeysannahay in howlgalkan aan ku qabanayno dhul ballaaran," ayuu yiri Maj. Chirchir. Wuxuuna sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya iyo Mareykanka ay bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa ciidamo badan geystay degmada Afmadow si ay isugu daydo inay ka difaacato ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee isbahaysanaya degmada Afmadow iyo degmooyinka kale ee gobolka Jubbada hoose.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay dhawaan inay iska difaacayaan weerar walba oo kaga yimaada dowladda Kenya.

"Kenya waxaan u sheegaynaa inaan iska difaaci doonno, waxaan u sheegaynaa in sideed weerar oo ay diyaaradahoodu ka geysteen Soomaaliya inuu kaga shahiiday hal wiil, taasoo jeneraalladooda ka dhigaysa kuwo aan waxtar ahayn," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur.

Ciidamadeeda dalka Kenya oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ka gudbay hogaantii todobaadkii hore xuduudda ay Soomaaliya kala wadaagaan Koonfurta, iyagoo saldhigyo ka sameysay deegaannada Qooqaani, Dhoobley iyo Raaskabooni.

Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa weli inkirsan in ciidammo Kenyan ay ku sugan yihiin gudaha dalka, waxayna mar walba oo ay hadlaan sheegaan in ciidanka ku sugan Soomaaliya ay yihiin kuwa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya