Koox Burcad ah oo Ganacsade Soomaaliyeed ku dilay Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika

Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) — Allaha u naxariistee Shariif Xuseen oo ahaa ganacsade Soomaaliyeed ayaa lagu dilay magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii ay dukaankiisa weerareen koox burcad ah oo doonaysay inay dhac u geysteen baqonimadii shalay oo Sabti ahayd.

Ganacsadaha ayaa markii ay soo weerareen kooxahan hubeysan oo tiradoodu ahayd saddex qof wuxuu isku dayay inuu iska-caabin, isagoo bastooladda la qabsaday mid ka mid ah kooxihii hubeysnaa waxaana madaxa ka toogday mid kale oo waardiye u ahaa ninka uu bastooladda la qabsaday.

Shariif Xuseen oo da'diisu ahayd 28-jir ayaa wuxuu ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaan magaalada lagu dilay, wuxuuna dukaankiisu ahaa weyn oo ay Soomaalida iyo dadka aan Soomaalida ahayniba ka adeegtaan.

Madaxa jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Port Alizabeth ayaa xaqiijiyay in ay booliska tageen goobta lagu dilay ganacssadaha Soomaaliga ah, balse wali aan dad loo qaban dilkiisa.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika oo dhan, iyadoo wali aanay jirin wax hadal ah oo ay kasoo sareen dowladda Koonfur Afrika dhibaatada lagu hayo Soomaalida.

Saadaad Axmed Gobey, Hiiraan Online
[email protected]
Cape-town, Koonfur Afrika