Xarakada Al-shabaab oo soo dhaweysay dilkii hoggaamiyihii dalka Liibiya Col. Maxamed Mucamar Al-Qadaafi

Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa soo dhaweysay dilkii hoggaamiyihii kacaanka dalka Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi, iyagoo ugu baaqay shacabka dalka Liibiya inaysan lumin fursadda ay haystaan oo ay ka digtoonaadaan inay soo doortaan hoggaamiye la mid ah Qadaafi.

"Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka muslimka ah ee Liibiya dilkii ay dileen Col. Qadaafi oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ugu xumaa ee soo mara caalamul Islaami," ayuu yiri Amiirka Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

Amiirka Al-shabaab wuxuu ugu baaqay shacabka dalka Liibiya inay ka fikiraan ninka ay u dooranayaan inuu hoggaamiyo, isagoo sheegay inaysan soo dooran mid la mid ah hoggaamiyihii hore.

Sidoo kale, hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab wuxuu soo dhaweeyay kacdoonnada ka taagan dalalka Siiriya iyo Yemen, isagoo sidoo kalena taageeray kacdoonnadii ka dhacay Masar iyo Tuuniisiya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay ay kooxaha hubeysan ee dalka Liibiya ay dileen hoggaamiyihii hore ee Liibiya Col. Qadaafi iyo wiil uu dhalay oo lagu magacaabi jiray Khamiis, kaddib toddoba bilood oo ay dagaallo socdeen.

Sheekh Abuu-Zubeyr ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay dagaallada socda ka qaybgalaan, si looga adkaado ciidamada AMISOM, kuwa DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Amiirku wuxuu sheegay in dagaalka ay wadayaan inta ay dalka oo dhan kaga xukumayaan diinta Islaamka, wuxuuna sheegay hadafkaas uu jirayo iyagoo rajeynaya inay gogol-xaar u noqdaan soo laabashada khilaafadii Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya