Xaafadaha ay dagaaladu ka dhacayaan ayaa waxaa ka barakacay dhammaan dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa, waxaana ku wada sugan ciidamada dagaalku u dhexeeyo iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalka ka dhashay.
Afhayeen u hadlay ciidamada Burundi oo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sheegay in dagaalku uu socdo, isla markaana aysan ka hadlin karin xiligaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.
"Dagaalku waa mid xoogan, waxaan la isku hayaa gacan ku haynta jid muhiim ah oo isku xira Muqdisho, Afgooye iyo Kismaayo," ayuu sarkaalku u sheegay warbaahinta Muqdisho, isagoo sheegay inay ciidamadoodu iska-caabin xoog leh kala kulmayaan xoogagga Xarakada Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab iyo dowlada KMG ah ayaan ka hadlin dagaalka iyo duqeynta hadda ka socda degmada Dayniile, waxaana degmada dhawaan lagu dilay askar badan oo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaasoo lagu soo bandhigay maydadkooda duleedka Muqdisho, inkastoo saraakiisha Midowga Afrika iyo kuwa ciidamada AMISOM ay beeniyeen in askar badan looga dilay dagaalkii dhawaan ka dhacay Dayniile.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa waxay isku dayayaan inay gacan ku haynta degmadaas oo dhan la wareegaan, halka Xarakada Al-shabaab ay iska difaacayso, waxaana dagaalkan uu ka mid noqonayaa kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca degmadaas.
Degmada Dayniile ayaa waxay ku taala dhinac Waqooyi-galbeed ee Muqdisho iyadoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ahayd saldhig weyn oo ay Al-shabaab ay ku leedahay Muqdisho, markaas ka horna waxay ahayd saldhig weyn oo ay kasoo duuli jireen maxkamadihii Islaamka.
Maxamed Xaaji Xuseen, HiiraanOnline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya