
Axad, Oktoobar 23, 2011 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, shan qof oo laba ka mid ah ay yihiin ciidamada Midowga Afrika ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM lagula beegsaday maanta oo Axad ah meel ku dhow tarabuunka.
Afhayeen u hadlay AMISOM oo lagu magacaabo, Biyereke Floribert ayaa sheegay in ruuxa dhintay uu ahaa mid ay ku xirnaayeen waxyaabaha qaraxa uuna ka daba orday gaadii ay ciidamadooda wateen balse uu ugu dambeyn isagu qarxay.
"Weerarka waxaa ka dambeysay Xarakada Al-shabaab, laba askari ayaana nooga dhaawacmay," ayuu yiri Floribert oo saxaafadda la hadlay, isagoo sheegay inaysan jirin wax dhimasho ah oo askartooda kasoo gaartay weerarkaas.
Saraakiil ka tirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa iyaguna sheegay in weerarka uu ahaa mid ismiidaamin ah, waxayna sheegeen in saddex qof oo ay ku jiraan haween ay ku dhaawacmeen weerarkaas.
Xarakada Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayna khasaare xooggan kasoo gaartay AMISOM, balse ma aysan sheegin khasaaraha inta uu le'eg yahay.
Qaraxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay Muqdisho ka socdeen maalmahan dagaallo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab, waxaana dagaalku uu salka ku hayaa gacan ku haynta degmada Dayniile.
Bishan Oktoobar ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay toddoba qarax oo intooda badan ay ahaayeen kuwo ismiidaamin ah, waxaana qaraxii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa mid dhacay afartii bishan oo ay ku dhinteen dad ka badan 79-qof, waxaana mas'uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, HiiraanOnline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya