Qoraalka uu maareeyuhu gudbiyay ayuu ku sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Oktoobar 2011 uu go'aansaday inuu xilkii uu hayay iska casilo, kaddib markii uu xilkan hayay muddo sannad iyo bar ah.
Maareeye ku xigeenka ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay bishii May ee sannadkii 2010, wuxuuna sidoo kale qoraalka ku sheegay in muddadii uu xilka hayay uu si wanaagsan uga soo baxay shaqadiisa.
Axmed Hilowle oo aan saxaafadda la hadlin ayaa ku sheegay qoraaalkiisa in sababta uu isku casilay uu si gaar ah ugu sheegayo madaxweynaha DKMG ah, ra'iisul wasaaraha iyo maareeyaha dekedda Muqdisho.
Dekedda Muqdisho ayaa ah isha ugu weyn ee ay dowladda KMG ah ka hesho dhaqaalaha ugu badan ee dalka gudihiisa kasoo gala, waxaana dekedda ka socda xilligan howlo fara badan oo isugu jira rarid iyo dajin.
Maxkamadihii islaamka oo uu madaxda u ahaa madaxweynaha hadda ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dekedda dib u howlgeliyay sannadkii 2006, kaddib in ka badan 10-sano oo ay u xirnayd khilaaf dhinaca beelaha ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, HiiraanOnline
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya