.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Dadka banaanbaxayay oo sida ka muuqatay u careysnaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku qamaamay Hotel ay deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay waxyeello dhismaha ah u geysteen, sidoo kalena ay qaar qaateen alaabtii tiillay, iyagoo sidoo kalena gubay gaadiid yaalay bannaanka hotelka.
Dadka ayaa hotelka galay kaddib markii ay ilaalada hotelka rasaaseeyeen, ayna dhiamsho iyo dhaawac u geysteen, iyadoo kaddibna ay ilaaladii cagahooda u baxsadeen dadkii banaanbaxayay oo rasaasta ka joogsan waayay.