Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo kulan ay xalay yeesheen kasoo saaray talooyin ku wajahan Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

Jimco, June 10, 2011 (HOL) – Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Australia ayaa shir ay ku yeesheen xalay magaalada Melbourne ee gobolka Victoria aay kaga hadleen xaalada cusub ee ay gashay siyaasada dowadda Soomaaliya.

Xubnaha isugu yimid shirkaas oo isugu jiray mas'uuliyiin, aqoonyahanno, arday, dhalinyaro, hooyooyin ayaa waxay isku waafaqeen soona saareen warmurtiyeed iyo talooyin ku soocdo Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Talooyinka ay jaaliyaddu soo saartay ayaa waxay ahaayeen sidan:

1. Jaaliyadda waxay Ra'iisul wasaaraha kula talinaysaa inuu mudnaanta siiyo dareenka iyo shucuurta ummadda Soomaalieed, uuna sii-hayo xilkii uu u hayay ummada Soomaaliyeed.

2. Ra'iisul wasaaruhu waa inuu wadatashi la sameeyo golihiisa wasiirrada isagoo kala tashanaya sidii dowladda uga arrinsan lahayd loogana gudbi lahaa xaaladda murugsan ee dalku uu marayo, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

3. Ra'iisul wasaaruhu waa inuu ku dhiiri-galiyo xubnihiisa wasiirrada inay sii-wataan xilkii iyo mas'uuliyadii ay u hayeen ummadda Soomaaliya ayna muujiyaan xil-kasnimo iyo dadaal dheeraad ah, iyagoo horayna u muujiyay inay ahaayeen dad gudanayay mas'uuliyadii ay qaadeen.

4. Ra'iisul wasaaruhu waa inuu wada-tashi la sameeyo xubnaha baarlamaanka, gaar ahaan xubnaha kuwa mar walba mudnaanta siiya midnimada iyo wadajirka iyo in waddanka Soomaaliya loo horseedo horumar.

5. Ra'iisul wasaaruhu waa inuu wada-tashi la sameeyo qurba-joogta Soomaaliyeed, kalana tashado sidii ay u garab-istaagi lahaayeen dowladda nabad iyo hormarna ay ugu horseedi lahaayeen.

6. Ra'iisul wasaaruhu waa inuu u sameeyo qurba-joogta Soomaaliyeed laamo iyo meel ay kala soo xariiraan xafiiskiisa si ay talooyin u siiyaan.

7. Ra'iisul wasaaruhu waa inuu kala tashado culimmada, waxgaradka, duubabka, aqoonyahannada iyo ugaasyada sidii ay hormar ugu horseedi lahaayeen wadanka.

8. Ra'iisul wasaaraha iyo dowladdiisa waa inay sii-wadaan guulihii ay ka gaareen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaalada Muqdisho.

Talooyinka kasoo baxay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malbourne ayaa waxaa u akhriyay warbaahinta afhayeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia C/naafic Macallin Rashiid.

Afhayeenku wuxuu tilmaan ka bixiyay sababaha keenay in shirkan deg-dega ah la qabto, isagoo sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay gashay marxalad cusub, ayna la qumanaatay inay ka bixiyaan dareenkooda.

"Ra'iisul wasaare Maxamed Farmaajo intii ay dowladdiisu jirtay guulo la taaban karo ayay gaartay, waxayna soo celisay rajadii ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho," ayuu yidhi C/naafic Rashiid. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dowladda Farmaajo guulaha ay ku tallaabsatay ay rajo-galisay dhammaan ummada Soomaalieed meel walba oo ay ku nool yihiin.

Maxamed Weli (Xiish Cadaawe)
[email protected]
Melbourne, Australia