Jimco, June 10, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo daqiiqado ka hor kala hadlay shacabka Soomaaliyeed qalabka warbaahinta ayaa ugu baaqay inay joojiyaan mudaahraadyada ayna ku laabtaan guryahooda.
Inkastoo ra'iisul wasaaruhu uusan ka hadlin inuu xilka iska casilayo iyo in kale, ayaa haddana wuxuu sheegay in codadka shacabka iyo midka ciidamad qalabka sida ay maqleen waxba ku qaadan doonaan, isagoo sheegay inay talada wax ku leeyihiin.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay dib ugu laabtaan guryahooda ayna joojiyaan dibadbaxyada, waayo waan maqalnay codadkiinna, weligeyna ma illoobi doono taageerada aad muujiyeen, waana idiin mahadcelinaynaa," ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlayay Raadiyo Mudisho oo ku hadla Afka dowladda Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha ayaa sidoo kale fariin taas la mid ah u diray ciidamada DKMG ah isagoo ka dalbaday inay ku jiraan difaacyada ayna u dhintaan dalkooda iyo dadka, wuxuuna sheegay inaan laga hagran doonin wax walba oo ay u baahan yihiin.
"Waxaa muuqata inaad guulo ka gaarteen dagaalladii aad la gasheen Al-shabaab - waxaadna tihiin geesiyaal - waana inaad difaaca dalka ku jirtaa - wax walba oo ay awooddo dowladda uu hoggaaminayo Sheekh Shariif waan idin siinaynaa," ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu.
Hadalka ra'iisul wasaaraha ayaa imaanaya iyadoo maalintii labaad ay ka socdaan degmooyinka ay dowladdu ka maamusho Muqdisho dibadbaxyo looga soo horjeedo qodob ka mid ah go'aannadii heshiiskii Kampala oo ahaa inuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya isku casilo muddo bil gudaheed ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya