Wasiir ka tirsan Dawladda Holland oo booqasho ku yimi Somaliland, lana kulmay madaxweyne Axmed Siilaanyo

Jimco, June 10, 2011 (HOL) – Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah iyo arrimaha Yurub ee dalka Holland Mr. Ben Knapen, ayaa booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana kulamo la yeeshay masuuliyiinta Somaliland.

Wasiirkan oo dalka yimi shalay, isla markaana booqasho ku maray meelo kala duwan oo ka mid ah Hargeisa, ayaa kulan la qaatay madaxda Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, "Madaxweynuhu waxa uu Weftiga si qoto dheer uga waramay horu-marka muuqda ee ka taabo-galay Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay," waxa sidaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

"Arrimaha uu Madaxweynuhu sida gaarka ah u taabtay waxa ka mid ah horumarka xaga dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo adeegga bulshada, waxaanu tilmaamay baahida ay Somaliland u qabto inay iskaashi dhaw la yeelato dawlada Holland iyo wadamada kale ee beesha caalamka, gaar ahaan waxa uu Madaxweynuhu tilmaamay in shacabka reer Somaliland ay beesha caalamka ka sugayaan in la siiyo ictiraaf caalamiya iyo iskaashi horumarineed oo dhinacyo badan leh," ayaa intaa la raaciyay.

Waxa kale oo Warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu dawladda Holland uga mahad-celiyay doorka ay ku leedahay caawimada ay Somaliland ka hesho wada Yurub qaarkood, gaar ahaan taakulooyin ay u fidiyaan Golaha Wakiillada, Golaha Guurtida iyo ururada bulshada ee Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Holland Mr. Ben Knapen ayaa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in uu ka waramay aragtida dawladda Holland ee Somaliland, "Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Holland Mr. Ben Knapen waxa uu ka waramay sida ay dawlada Holland u danaynayso una soo dhawaynayso dedaalka, horumarka, dimuquraadiyada iyo nabadgelyada ka taabo-qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tusaale u noqon karta wadamada soo koraya," ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas, waxaana intaa la raaciyay "Waxa kale oo uu Wasiirku ka hadlay sida ay xukuumadiisu u doonayso in ay kordhiso iskaashi dhex-mara labada wadan gaar ahaan dhinacyada kobcinta dhaqaalaha iyo nabadgelyada."

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland